Afartan Xadiis

Afartan Xadiis Free App

Rated 4.64/5 (182) —  Free Android application by ANICO

About Afartan Xadiis

Mahad Allaa leh, naxariistii iyo nabadgelya- dii Alle ha ahaadeen nabigayagii Muxammad korkiisa, ehelkiisa, asxaabtiisii iyo intii samaanta ku raacday ilaa maalinta qiyaamaha.

Kaddib: Waxaynu ogsoonnahay in labada asal ee loo noqdo si loo fahmo diinta Islaamka , saldhig- gana u ah nolosha qofka muslimka ahi inay yihiin Qur'aanka kariimka iyo sunnada dahiran ee nebiga (SCW).

Midka hore ee ah (Qur'aanka) waa hadalkii Alla (SWT) ; midka labaadna oo ah sunnada ama xadiiska nebiga hadba kan loo yaqaan wa tusaalooyinkii nebiga (SCW) ee waajibka ah in la raaco, siduu Allahii casiiska ahaa yiri: " Wixii uu Rasuulku idin siiyana ee amar ah qaata wixii uu idinka reebayna ka hara" Sunnaduna waa tan bayaanisa Qur'aanka, dhammeystirkana u ah hanuunka iyo kheyrka xagga Rabbigeen inoo laga soo dejiyey. Qofkuna hadduusan darsin Sunnada kama qaadan karo suurad dhan ee sax ah axkaamta diinta, mana fahmi karo xaqiiqda lslaanrka iyo kheyrka ku laran..

Sidaa awgeed ayaa waxaa ii muuqatay inaan walaalaheen Soomaaliyeed u soo gudbinnaa qaybo ka mid ah axaadiistii nabigeennii suubbanaa (SCW) oo afkooda hooyo ugu tar-juman, si looga haqabtiro baahida ka haysata xagga axaadiista Rasuulka (SCW)'. Waxayna doorashadu ku dhacday inaynu ku billowna daabacaadda iyo fidinta kitaabkan uu qoray walaalkeen Sh. Cabdul Raxmaan Xuseen Samatar, kaddib kolkaan naqtiimay kitaabka; wixii khaladaad ahina aan ka saa-ray. Kaddibna waxaan jecelnahay inaan soo saarno kitaabka Riyaadu-Saalixiinka uu qo-ray al-Imaam Anawawi isagoo af Carabi - Soomaali ah, haddana aannu ku howlanna- hay 'Waxaana suurta gal ah in Ilaahay kheyrka ina waafajiyo oo aan dadaalka meesha ka sii wadno oo qaybo kale ee xadiiska Rasuulka soo saarno sida saxiixul Bukhaariga iyo Muslim.. Waxaan u rajeynaynaa dadweynatra Sooma-liyeed inay ka faa'ideystaan, kuna camal falaan mabaadida toosan ee Rasuulkeennu (SCW) inoogu yeerayo..

Allaana u wakiilannay inuu wax ka dheef- siiyo walaalakeen dadaalkayaga, innagana innaga aqbalo camalkayagan, kana dhigo mid khaalis u ah Wajigiisa kariimka ah. Naxariistii iyo nabadgelyadii Allana ha ahaa-deen nabigeennii Muxammad korkiisa, ehel-kiisa, asxaabtiisa, iyo intii samaanta ku raac-day ilaa maalinta qiyaamaha. ( Aamiin.. Aamiin ..Aamiin)..



Cabdulcasiis Xasan Yacquub







HORDHACA TARIUMAHA BUUGGA



Wuxuu ku sheegay mu'allifka kitaabkani al-Imaam Nawawi, gogoldhiggii ugu horreeyey inuu jiro xadiis aan sugneyn oo leh:
Marka waxaan goostay inaan afartan xadiis ururiyo anigoo ku dayanaya culumadaas fa- raha badan oo arrimahaas oo dhan wada koo- baya. Xadiis kasta oo ka mid ah kuwaan aan soo xulay waa saldhig weyn oo ka mid ah asaaska diinta Islaamka, culumaduna ku til- maameen inay murtida Islaamku ku dhan tahay ama Islaamka barkii ama waaxdii.. waana xadiisyo dhammaan wada saxiix ah oo sugan.

Sida dhabta ah arrimahaas al-Imaam Nawawi ku tilmaamay kitaabkan waa xaqiiqo dhab ah, waana arrimahaas waxa igu xambaaray inaan kitaabkan u soo tarjumo af Soomaaliga.

Waxaan la kulmay dhallinyaro badan oo af Soomaliga si wacan u taqaanna, laakiin, af carabigu ku culus yahay, isla markaan aad uga fiirsadayna kitaabka ugu habboon ee fik-rad run ah oo fudud ka siinaya diinta Islaam-ka ayaan ku qancay in kitaabkani kaalintaa buuxin karo, sababtoo ah wuxuu kulansaday axaadiis ka hadleysa arrimo badan oo qofka iyo bulshadaba si qoto dheer u saameyneysa sida axaadiista ka hadleysa tiirarka Islaamka, Iimaanka, iyo Ixsaanka, sida niyada, daacad-nimad, hagar la'aanta iyo inaan lagu labin camalka llaahay loola jeedo wax aan sharcigu farin.

Axaadiis kale waxay ka hadleysaa waaji-baadka qofka ka saaran bulshada uu ku nool yahay, sidii uu u gudan lahaa waajibaadkaas iyo haddii uu guto abaalgudka uu leeyahay. Axaadiis kale waxay ka hadleysaa sida xiriir- ka bulshadu ku toosi lahaa, waxayna tilmaa- meysaa wixii bulshada isu soo dhoweyn la- haa ee ku xambaaraya xubnaha bulshada inay is-afgartaan oy wax wada qabsadaan.

How to Download / Install

Download and install Afartan Xadiis version 0.0.1 on your Android device!
Downloaded 10,000+ times, content rating: Not rated
Android package: com.anico.afartanxadiis, download Afartan Xadiis.apk

All Application Badges

Free
downl.
Android
2.3.3+
n/a
Not
rated
Android app

App History & Updates

What's Changed
Dhammaan wixii looga bahnaa app cusub
More downloads  Afartan Xadiis reached 10 000 - 50 000 downloads
More downloads  Afartan Xadiis reached 5 000 - 10 000 downloads

What are users saying about Afartan Xadiis

V70%
by V####:

Mansha allah waa dadaal aad u fiican wll yaal, ilaahay badalkeeda hasiiyo cidii samaysay.

I70%
by I####:

Masha allah Runti waa app aad u wanagsan Ajir iyo Xasanaad allaha idinka siiyo

X70%
by X####:

masha allah ajir aan laso koobi karin iyo cml suuban allaha ka siiyo shiikha so diyariyay anagana kuwi ku cml falo Eebe hanaga dhigo

C70%
by C####:

alle haydinka abaal mariyo amiin insha allah..... waanad soo badin doontaan

C70%
by C####:

Masha allah walalyal illah ha idinla garab galo wax

C70%
by C####:

maasha allah alle ajar ha idinka ziiyo wllyaal zida wacan ee aad noogu dadaaaasheen

C70%
by C####:

ManshaAllah walal illahay haku xafido waadna ku mahadsantahay

E70%
by E####:

Maasha allah wad mahadsantihiin in kabadana waan idinka rajeyneynaa

C70%
by C####:

I think we get more advantage

C70%
by C####:

جزاك الله خيرا

N70%
by N####:

Maasha allah

C70%
by C####:

mahadsanidiin

W70%
by W####:

Jazakallah wll ajar iyo xasanaad aan lasoo koobi karin allaha kaa siiyo

C70%
by C####:

Mansha Allah ilahay ha idinka abaal mariyo

Z70%
by Z####:

Masha allah ilaahey ajar iyo xasanaad aan lasoo koobi karin ha idiin siiyo wlhi baa ku dhartee waa app very best ah

W70%
by W####:

Masha allah Runti waa app aad u wanagsan Ajir iyo Xasanaad allaha idinka siiyo

C70%
by C####:

Waa arin aan aad ugu farxay soomaali oo dhana ku farxayaan

M70%
by M####:

Xasanaad ha idinka siiyo

M70%
by M####:

Juhdi weyn aad galiseen maashaa allah

M70%
by M####:

Ku nool naxariis rabi

M70%
by M####:

Waad mahad santihin Allah haidin garab kalo

M70%
by M####:

Alle hakaa abaal mariyo.

M70%
by M####:

Maasha Allah jazakumulahu kheyr

V70%
by V####:

Man sh alh

V70%
by V####:

Jazakallaah walaalayaal

E70%
by E####:

Mansh Allah

M70%
by M####:

Kheyrka aan Lasoo koobi karin Rabi Ha idiinka siiyo anagana illah ha inaga Dhigo kuwo ku camal fala

K70%
by K####:

Hasanad ka alla hakuugu daro

G70%
by G####:

Maasha allah allah ha idin dhowro

H70%
by H####:

Allah qeyr badan ha idiin siiyo dhamaantiin

M70%
by M####:

Maasha allah jazaa kumu llaahu kheyr

S70%
by S####:

Macha allh jazzaaka laahu khayra jazaa

X70%
by X####:

Aad ayaad umahadsantihiin walaal ayaal

M70%
by M####:

Ilaah haina wada hanuuniyo kulligeena amiin amiin

Y70%
by Y####:

Ilaahay ajar ha idinka siiyo jazaka Allah

Z70%
by Z####:

Masha alah alaha kaa jasaa i siiyo wll jasaakalah

Y70%
by Y####:

mansha allah jazakallah khayr wll halkaa kasii wada wll

Y70%
by Y####:

Jazakalahu khayr ayaan idin leeyahay.

Y70%
by Y####:

جزاكم الله خيرا كثيرا

Y70%
by Y####:

alle haydinka abaal mariyo amiin insha allah..... waanad soo badin doontaan


Share The Word!


Rating Distribution

RATING
4.65
182 users

5

4

3

2

1